Iyadoo in muddo ah beesha muddulood lagu dhaliilayey inay ka jiifteen halganka dalka looga xoreenayo Al Shabaab ayaa maanta ugu dambeyn ay shidaalkooda ku dhaamiyeen gaadiidkooda dagaalka.

Qof ka mid ah dadka kusugan goobta abaabulka lagu sameenayey ayaa Warqaad usheegay in hadda iyo kadib uu yahay gulufka iyo in laga wada qeyb qaato.

Waxay taas ka dhigan tahay in shabellaha dhexe Laga bilaabayo xoreynta Al Shabaab iyo deegaanada ay ka joogaan,taas oo in muddo ah laga sugayey ciidanka Dawladda inay qaadaan duulaankaasi.

Ciidamo fara badan oo ku abtirsada beel ahaan mudulood ayaa dhaq dhaqaaqyo xoog leh ka waday maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho kuwaas oo udhaqaaqay Shabellaha Dhexe.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in Al Shabaab ay bilaabeen in dhaawacyadii yaallay degmada Aadan Yabaal ka daabulaan si ay uga bad baadaan duulaan lagu soo yahay halkaasi.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu saldhig ka sameysto Cadale dhawaan si uu uhogaamiyo dagaalka la iskugu furayo Sh/Dhexe,Hiiraan ilaa Gal gaduud Madaxweyne Cali Guudlaawe oo horkici doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here