XIGASHO LAACIB.NET
Warar ka soo baxay ilo ku dhow xiddiga reer Brazil Vinicius Junior ayaa muujinaya in go’aannadii ugu dambeeyay ee la xiriiray ciyaaryahanka ay si buuxda uga yimaadeen tababaraha Xabi Alonso, iyada oo aan wax faragelin ah oo toos ah ka imaan maamulka Real Madrid.
Vinicius ayaa si cad u muujiyay caro iyo niyad-jab kadib markii la beddelay kulankii El Clásico ee ay Real Madrid 2-1 kaga adkaatay Barcelona, ciyaar ka dhacday garoonka Santiago Bernabéu kulankii 10-aad ee La Liga.
Sida laga soo xigtay isla ilahaas, wada-hadalladii lagu doonayay in lagu kordhiyo heshiiska Vinicius, oo dhacaya 2027, ayaa hakad galay, taasoo ka dhalatay jawi xiisad leh oo u dhexeeya labada dhinac.
Saxafiga Mario Cortigana ayaa sheegay in gudaha kooxdu muran ka taagnaa muddo dheer, iyadoo ay jiraan labo dhinac:
Kuwa dhaliila dabeecadaha iyo ka falcelinta Vinicius ee garoonka.
Kuwa difaaca oo sheegaya in ciyaaryahanka uu yahay mid muhiim u ah naadiga isla markaana uu leeyahay dareen ciyaareed aad u sarreeya.
Kadib dhacdadii El Clásico, khilaafka ayaa u xuubsiibtay inuu noqdo mid toosa oo u dhexeeya Vinicius iyo Xabi Alonso. Ilo wareedku waxay sheegayaan in arrintani ay saameyn ku yeelan karto mustaqbalka xiddiga ee Real Madrid haddii aan si degdeg ah loo xalin.
Haddii xaaladdu sii adkaato, waxaa laga yaabaa in mustaqbalka Vinicius ee Real Madrid uu noqdo mid su’aal la iska weydiinayo, gaar ahaan haddii aan dib loo bilaabin wada-hadallada heshiiska cusub iyadoo la xallinayo khilaafka labada dhinac.
Waxaa la sugayaa war rasmi ah oo ka soo baxa dhinacyada, laakiin xaaladda hadda jirta waxay u muuqataa mid kulul oo u baahan xal siyaasadeed oo degdeg ah.
XIGASHO LAACIB.NET
