Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lasoo sheegayaa in xalay kulan albaabada uxirnaa uu la yeeshay xubno katirsan xisbiga Himilo Qaran ee Sheekh Shariif uu hogaamiyo.

Kulanka oo ka dhacay hoyga shariifka ayaa ugu horeyn Madaxweyne Xasan waxa uu tacsi ugu tegay Shariif oo hooyadiis Xasno Cabdulle Isaaq dhawaan ku geeriyootay Dalka Imaaraadka carabta laguna xabaalay Qabuuro ku yaalla Gobolka Shabellaha Dhexe.

Xubno katirsan Villada ayaa la socday Madaxweyne Xasan Sheekh kulanka uu sheekh shariif la qaatay Xalay oo arrimo xasaasi ah sidoo kale lagu soo hadal qaaday.

Xasan waxa uu sheegay inuu ka raali gelinayo Shariifka iswaayidii kadib xilka madaxweynaha Soomaaliya loo doortay taas oo ku timid buu yiri howlo adag iyo Dawlada cusub dhisideedii oo meel sare la gaartay

Sida ay inoo sheegeen xubno kusugnaa kulanka Madaxweyen Xasan Sheekh Maxamuud ayaa culeysyada kasoo kordhay magacaabida Gudoomiyaha cusub G/Banaadir Yuusuf Madaale ka dalbaday inuu Shariif xal kala gaaro qeylo dhaanta Beesha Galmaax Yoonis oo dhaliisay magacaabida Madaale Arbacadii loo dhiibay Xilka Duqa Muqdisho iyo G/Banaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhanka kale ka codsaday Sheekh Shariif inuu ka hor tego isbaheysiyo mucaaradeed oo ay abaabulayaan Xasan Cali Kheyre iyo xubno hore uga wada tirsanaayeen golihii midowga murashaxiinta Soomaaliya.

Ku darso oo Shariifka xisbigiisa Himilo Qaran boosas wanaagsan lagama siinin Dawlada Cusub marka laga reebo dhowr jago oo qaarkood ay liiteen sida Wasiiru dowlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha oo Ilyaas Cali Xasan loo magacaabay Xukuumada.

Warar kale ayaa sheegaya Xasan Sheekh uu helay Macluumaad hoose oo sheegaya in Dawlad gobolleedyada iyo Siyaasiyiin Reer Muqdisho ay ay abaabulayaan mucaarado xoog leh oo Dawladiisa lagu yahay sidaas awgeedna uu Shariif Sheekh Axmed kala shaqeeyo fashilinta qorshooyinkaasi.

Lama oga sida uu Sheekh Shariif ugala shaqeyn doono Xasan Sheekh oo ku casuumi waayey wadatashiyadii la filayey in Dawladda cusub maadaama ay isku aag kawada ahaayeen dagaalkii lala galay Farmaajo,waxaana Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud lagu eedeeyey in Dawladda cusub uu xisbigiisa UPD kawada safay xilalkii ugu muhiimsanaa.

Akhbaaraadka laga helay kulankii xalay ka dhacay Muqdisho ee Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay in loo ballamay kulamo kale islamarkaana is faham laga gaaray waxyaabihii laga wada hadlay waloow ay ka gaabsadeen in warbaahinta lala wadaago xogaha kulankaasi kasoo baxay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here