XIGASHO LAACIB.NET
Xaaladda xerada xulka qaranka Nigeria ayaa kacsan ka dib markii uu khilaaf xooggan dhex maray labada xiddig ee Victor Osimhen iyo Ademola Lookman, intii ay socotay ciyaartii ay 4-0 kaga badiyeen Mozambique wareegga 16-ka ee tartanka AFCON 2026.
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo saxaafadda Nigeria, Osimhen ayaa ku hanjabay inuu gabi ahaanba isaga baxayo tartanka, isagoo dhulka dhigay aqoonsigii ciyaartoynimo ka dib markii uu caro kaga soo baxay garoonka iyo qolka labiska.
Khilaafkan ayaa ka dhashay xilli ay ciyaartu socotay markii Lookman uu diiday inuu kubadda u baaso Osimhen oo ku jiray boos gool dhalin ah, taas oo ka careysiisay weeraryahanka Galatasaray inkasta oo uu ciyaartaas dhaliyay labo gool (brace).
Markii ciyaartu dhammaatay, Osimhen wuxuu isaga soo baxay qolka labiska isagoo kaligiis fariistay baskii kooxda, halka saaxiibadiisa kale ay ku mashquulsanaayeen la hadalka saxaafadda, waxaana la sheegay in ciyaartoyda kale aysan wax dadaal ah u galin inay u tagaan ama dejiyaan kabtan ku-xigeenkooda.
Si kastaba ha ahaatee, mustaqbalka 27-jirkan ee tartanka ayaa hadda shaki ku jiraa, waxaana laga yaabaa inuu seego kulanka muhiimka ah ee ay la yeelan doonaan xulka Algeria ama DR Congo, taas oo dhabar-jab ku noqon karta hammiga Super Eagles ee ku guuleysiga koobka.
XIGASHO LAACIB.NET
