NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa qoraal kooban uu ku soo gudbiyay barihiisa bulshada wuxuu kaga hadlay shir maanta uu kaga qeybgalay Magaalada Nairobi isaga iyo asxaabtiisa Mucaaradka iyo Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Jubaland.
Ra’iisulwasaare hore Xasan Cali Kheyre wuxuu sheegay in shirkaasi ay uga hadleen arrimaha siyaasadda,amniga iyo sidii dalka loo gaarsiin lahaa mustaqbal horseeda xasilooni siyaasadeed.
“Waxaan maanta Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland la qaadannay shir aan uga wadahadlnay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaanna arrimaha siyaasadda, amniga, iyo sidii Soomaaliya ku gaari lahayd mustaqbal horseeda xasilooni siyaasadeed, amni sugan iyo horumar dhaqaale”ayuu yiri Xasan Cali Kheyre
Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in shirka lagu go’aamiyey in la dhiso Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta iyo Dowlad Goboleedyada Jubaland iyo Puntland, wuxuu intaasi ku daray in qodobadii ay isla garteen uu ka mid ahaa inay si dhaqso ah isugu yimaadeen shir looga arrinsanayo, go’aanna looga gaarayo xaaladda kalaguurka ah ee siyaasadda Dalka.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
