Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia Xasan Cali Khayre oo ka mid ah madaxda Mucaaradka Golaha Mustaqbalka oo goor dhawayd shir jaraa’id ku qabteen Muqdisho ayaa quus iyo niyad jab ka muujiyay sida uu wax ku wado Madaxwynaha muda xileedkiisu dhamaaday ee xassan Sheekh /
Xasan Cali Khayre wuxuu ka digay in dalku ku socdo qarkana loo saaran yahay xaalad macaluul isagoo tilmaamay in Dowladu sahacabka ka barakicisay 150 kun goobood oo Magaalada Muqdisho wada ah.
“Waxa Xasan Muqdisho ka wado waxay khatar ku tahay midnimada dalka,Dowladu waxay barakisay 500 kun qoys sidoo kale 150 kun goobood ayaa la burburiyay” ayuu yiri Xasan Cali Khare
Masuulkaan wuxuu intaas ku daray in dadku iska doortaan hogaan marka ay isu tagto dad hogaamiya dhul xuduud leh ,xuquuq leh iyo shuruuc ay ku dhaqmaan ,balse wuxuu cagsigeeda Dowladu kaba shaqeyn xuduudaha balse dadka xuduudaha degan ayayba weerartaa.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMÂ
