Madaxweynaha maamulka Jubaland ayaa Magaalada Kismaayo ka soo sagootiyay Madaxda madasha samatabixinta Soomaaliyeed kuwaasoo Kimaayo kaga qeybgalay shirkii mucaaradku ka soo saareen warmurtiyeedka intiisa badan Dowlada ay kula hadlayeen.
Xasan Cali Kheyre iyo Sharii ayaa soo dhameystay howshii ay u joogeen Kismaayo waxayna maanta diyaarado ka soo raaceen Kismaayo iyagoona ku soo laabtay Magaalada Muqdisho oo ah saldhigooda iyo deegaankooda.
Xasan Cali Khyre ayaa la arkayay muuqaalo muujinaya isagoo diyaarada dhexdeeda intii aysan ka soo duulin Kismaayo la hadlayay xildhibaanada iyo dhamaan wadiga uu hogaaminayay kuwaasoo Muqdisho ku soo laabtay.
“Waxaan aniga iyo wafdi aan hoggaaminayo, dib ugu soo laabanay galabta Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Dalka” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed oo war kooban ka soo saaray soo laabashadiisa
“Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweyneha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, xukuumaddiisa iyo shacabka reer Jubbaland soo dhaweyntoodii iyo martigelintii gobannimada lahayd ee ay noo sameeyeen intii uu socday shirweynihii Aayo-ka-tashiga Soomaaliyeed, kaas oo si guul leh ku soo dhammaaday”ayuu mar kale yiri Shariif Sheekh
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM




