Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa war kooban uu soo geliyay barihiisa bulshada wuxuu ku cambaareeyay haween maanta ciidamada Dowladu soo xireen kuwaasoo laga soo qabtay Xaafada horseed ee Magaalada Muqdisho.
Qoraalka cambaareynta ee Xasan Cali Kheyre ayaa sidan u qornaa:-
Waxaan cambaareynayaa xarigga ay dowladdu xaafadda Horseed ee degmada Hodon ugu gaysatay haween ka dhiidhiyay dhulboobka iyo barakicinta danyarta ee ay ku hawllan tahay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxaa ayaandarro ah in hooyooyin Soomaaliyeed ay caawa xabsi ugu xiran yihiin Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh oo caadeysatay caburinta shacabka, barakicinta danyarta, iyo boobka dhulka dantaguud.
Waxaan Madaxweynaha ugu baaqayaa in uu si degdeg oo shuruud la’aan loo sii daayo hooyooyinka xiran, kana joogsado dhulboobka oo cuuryaaminaya horumarka dalka, dadka, iyo dowladnimada Soomaaliyeed.
