MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa Galabta hoygiisa ku booqday Ugaaska Beesha Mursade Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde.
Ugaaskaan cusub waxaa dhalaya Ugaaskii hore ee Beesha Mursade kaasoo dhawaan geeriyooday.
“Waxaan galabta hoygiisa booqasho salaan iyo duco ah ugu tagnay Ugaaska guud ee beesha Murusade, Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde, oo dhowaan la duubay, ayna socoto qabanqaabada xafladda caleemasaarkiisa oo ka dhici doonta Muqdisho”ayuu yiri Xasan Cali Kheyre
Ra’iisulwasaare hore Xasan Cali Kheyre wuxuu Ugaas C/risaaq ugu duceeyay inuu Alle la garab galo gudashada masuuliyada dhaqan ee uu aabihiis la dhaxlay.
“Ugaaska waxaan Alle u weydiinayaa ka baryayaa in uu Aĺle , ugu deeqo xilkasnimo, xikmad, aragti fog iyo hoggaamin suubban, oo uu nabad, horumar iyo midnimo ugu horseedo beesha Murusade iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed”ayuu mar kale yiri Xasan Cali Kheyre.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM




