Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia Xassan Capi khayre ayaa war ka soo saray xarigio caawa ciidanada Dowldu u geysteen Ganacaade Cali Xaaji Iimaan ,Ganacaade C/qaadir Maxamuud Cilmi Bulaale iyo Wasiirkii hore ee Awqaafta iyo Diinra Cumar Cali Rooble inkastoo goor dhaw la sii daayay.
Qoraal uu barihiisa bulshada soo geliyay Xasan Cali Kheyre ayaa sidan u qornqa:-
Waxaan cambaareynayaa xarigga ay dowladdu caawa kula kacday Wasiirkii hore ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Cumar Cali Rooble, ganacsade Cabdulqaadir Maxamuud Cilmi (Bullaale), iyo Xaaji Cali Iimaan oo ah waayeel 90 jir ah, kadib markii ay si geesinnimo leh uga dhiidhiyeen barakicinta ay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kula kacday dadkooda.
Xarigga halyeeyadan waa caburin, cagajugleyn, iyo cabsigelin lagu aamusinayo codka shacabka. Waxaana ayaandarro ah in Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku takrifalaya awoodda dowladnimada uu qaaday jidka hurinta colaadda, jirdilka shacabka, barakicinta danyarta, iyo boobka dhulka dantaguud.
Waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqayaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo Wasiir Cumar, ganacsade Bullaale, iyo Xaaji Cali Iimaan, kana joogsado jidka qardajeexa ah ee uu ku sii wado dalka, dadka, iyo dowladnimada Soomaaliyeed.
