Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa war uu goor dhaw soo saaray wuxuu si kulul kaga hadlay wiil dhalinyaro ah oo maanta ciidamada Dowladu ku dileen degmada Dayniile isagoo ka mid ahaa dad ku banaan baxayay ciidamada Dowlada ee doonayay inay shacabka ka saaran dhul halkaasi ku yaal xili shacabkuna dhagax kala hor tageen.
Xassan Cali Kheyre wuxuu ayaandarro iyo musiibo qaran ku tilmaamay in dowadda Madaxweyne Xasan Sheekh shacabkii u leyneyso si  ay uga barakiciso guryahooda.
Qoraalka Xassan Cali Kheyre oo uu ka bilaabay tacsida uu u direy qoyska wiilka laga dilay ayaa qoraalkiisu sidan u qornaa:-
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska Maxamed Cabdullaahi Xasan oo ay caawa ciidanka dowladdu ku dileen xaafadda Raadeerka ee degmada Deyniile. Waxaan Alle uga baryayaa in uu u naxariisto marxuumka, una boogadhayo shacabkii ay ciidanku ku dhaawaceen iyagoo ka dhiidhinaya dhulboobka ay dowladda ku waddo degmada Deyniile.
Waxaa ayaandarro iyo musiibo qaran ah in dowadda Madaxweyne Xasan Sheekh ay laynayso shacab Soomaaliyeed si ay uga barakiciso guryahooda, ugana boobto dhulal ay sifo sharci ah ku bixiyeen dowladihii hore, ciidankii qarankana u adeegsanayso barakicinta iyo gumaadka shacabka.
Waxaan ciidanka qaranka uga digayaa in ay ka ka sii qeybqaataan laynta dadweynaha iyo barakicinta dadka danyarta ah. Waxaan mar kale ugu baaqayaa Madaxweyne Xasan Sheekh in uu degdeg u joojiyo boobka dhulka shacabka iyo gumaadka dadka birimageydada ah.
