HomeWarkiiXasan Cali Kheyre oo si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Kismaayo

Xasan Cali Kheyre oo si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Kismaayo

May be an image of one or more people, aircraft and textKISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhaw gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubaland halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay gudaha garoonka diyaaradaha sayid Maxamed Cabdule Xasan.

Madaxweynaha Maamulka Jubaland ayaa kaga hortagay garoonka diyaarada markii uu ka soo degay Ra’iisulwasare hore Xasan Cali Kheyre kadibna salaan iyo gacan qaad masuuliyiintii kale ee soo dhaweysay kadib waxaa loo galbiyay Madaxtooyada.

Xasan Cali Kheyre wuxuu ka mid ah yahay Hogaamiyayaasha xukun doonka ah ee u tartamaya xilka Madaxweynaha Somalia waliba kuwa ugu awooda badan Magaalada Muqdisho halkaasoo uu ku leeyahay taageerayaal aad u badan.

Sidoo kale masuuliyiinta Madasha samatabixinta ayaa ayaa iyaguna gaareen Kismaayo marka laga reebo Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed kaasoo wararka qaar sheegayaan inuu beri gaari doono Kismaayo.

Saciid Deni oo Madaxweyne ka ah Maamulka Puntland oo isna mucaaradka ka mid ah ayaa gaaray Kismaayo waxaana lagu wadaa in mucaaradku si mideysan u diidaan qorshaha Villa Somalia ee ah doorasho qof iyo cod taasoo mucaaradku ku doodayaan inaan wali la gaarin waqtigeeda madaama amnigu aad u liito halka Vila Somalia ku adkeysaneyso inay qabaneyso.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people and suitMay be an image of one or more people, dais and text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -