MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia islamarkaana ka mid ah mucaaradka iyo musharixiinta xilka Madaxweynaha Somalia ayaa weerarkii ugu cuslaa oo afka ah ku qaaday siyaasada ay xiligaani ku dhaqmeyso Dowlada xili muda xileedkeeduna maalmoa ka harsan yahay.
Xassan Cali Kheyre wuxuu sheegay in waxa hada ka socda dalka uu yahay musiibo qaran islamarkaana aan loo dulqaadan kariin.
Sidoo kale wuxuu xusay inay khatar tahay in qofkii hadlaba Dowladu soo xireyso sidoo kalama saxaafadu ka shaqeyn karin.
“Dowladnimadu sidaas wax loo wado maaha ee waa sharci,nidaam,kala danbeyn,waa shuruuc ku asteysan dastuur ,waa xusuuq dadku ay leeyihiin,waa in dadku guryahooda ka soo toosaan iyagoon walwal ka qabin waxa Dowladu sameyneyso” ayuu yiri Xassan Cali Kheyre
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
