Waxaa Xalayt Dagaal culus uu ka dhacay Halka ay Daganyihiin Madaxweynayaashii hore ee Somaliya Xasan iyo shariif, waxaana arintaas si kulul uga hadlay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre.

Kheyre ayaa eeda weerarkii xalay  lagu qaaday Hotelka ay degan yihiin Madaxweynayaashii hore dusha u saaray Madaxweyne farmaajo.

 

 

Halkan hoose ka akhriso qoraalka Xasan Cali Kheyre:-

Weerarka caawa saqdii dhexe lagu qaaday hotelka ay magaalada Muqdisho ka deganyihiin Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sh Axmed, iyo Guddoomiyihii hore ee Golaha shacabka, Shariif Xasan Sheekh Aadan, waa bilowga natiijada siyaasadda xukun isku dhajinta ah ee aan ka digeynay dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay. Waana ibafurka farriimahii xambaarsanaa dhiilada colaadeed ee maalmihii tagay kasoo yeerayay hey’addaha dowlada ee muddo xileedkoodii dastuuriga ahaa uu dhamaaday.

In mas´uuliyiin iyo shacab Soomaaliyeed weerar toos ah oo xabado loo adeegsaday lagu qaado, naftooda iyo maalkoodana halis la galiyo, si looga hor istaago ku muujinta dareenkooda si nabad ah, iyaga oo gudanaya waajibkooda muwaadinimo iyo xuquuqdooda dastuuriga ah, waa arrin si xilkasnimo la’aan ah loogu bareeray in masiirka dalka lagu burburiyo.

Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, waxaan ugu baaqayaa inay adkeeyaan midnimadooda bulsho, ayna si wadajir ah meel uga soo wada jeestaan xukunka ku dhisan kali-talisnimada ee dhaxalkiisa aan horey usoo aragnay.

Office Nairobi

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here