HomeCiyaarahaXasan Cali Kheyre,Shariif iyo C/raxmaan C/shukuur oo si kulul uga hadlay odeygii...

Xasan Cali Kheyre,Shariif iyo C/raxmaan C/shukuur oo si kulul uga hadlay odeygii lagu jir dilay Siinaay

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wasiir hore C/raxmaan C/shukuur oo dhamaantood ka tirsan madasha samatabixinta ayaa si kulul waxay uga hadleen odey saaka ciidamada Dowladu ku jir dileen Xaafada Siinaay  ee Degmada Warta-nabada ee Magaalada Muqdisho.

Xasan Cali Kheyre wuxuu ayaan-daro weyn iyo qaracan ku tilmaamay in maanta isha laga daawado jir dilka ay ku kacayaan ciidamada Dowlada.

“Waxaan qarracan iyo ayaandarro weyn ah inaan daawanno ciidanka qaranka oo si arxandarro ah u jirdilaya aabbe Soomaaliyeed oo ka dhiidhiyay dhul-boobka ay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hoggaamiyo ka waddo caasimadda dalka”ayuu yiri Xasan Cali Kheyre

Sidoo kale Shariif Sheekh Axmed oo isna ka hadlay ayaa cambaareeyay jirdilka loo gaystay maanta muwaadinka Soomaaliyeed, isagoona intaasi ku daray in dhibaatadaasi loo adeegsaday shaatiga Dowlada

“Waxaan si adag u cambaaraynayaa weerarka bahalnimo iyo jirdilka loo gaystay maanta muwaadiiniinta Soomaaliyeed iyadoo la adeegsanayo shaatiga dowladda gaar ahaan falalka foosha xun ee ka dhacay Suuqa Siinay, kaas oo aan marnaba la aqbali-karin, kana fog bini’aadanimada iyo karaamada muwaadinka” ayuu yiri Xildhibaan Shariif

“Waa fal dambiyeed beegsiga sida gaarka ah loola eegtay waayeelka ka hadlay xuquuqdiisa, gaar ahaan tacadiyadda ka dhashay barakicinta danyarta waa fal dambiyeed, waxaana ciidanka ammaanka uga digaynaa qaadashada amarro qaldan oo shacabka looga horkeenayo”ayuu mar kale yiri Shariif

Ugu danbeyn Shariif wuxuu carabka ku adkeeyay in masuuliyadda xadgudubyadda ka dhanka ah bulshada ay qaadayaan madaxda sarre ee laanta fulinta dowladda Federaalka ah,wuxuu intaasi sii raaciyay in Madaxdu ka baxeen xayndaabka sharciga ah ee illaalinta badqabka bulshada iyo illaalinta haybadda dowladnimadda.

Dhanka kale Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur ayaa isna hadalo kooban ka soo saaray ayaa ciidamada dhibaatada geysanaya ku tilmaamay inaysan mooryaan waxba dhaamin,ganacsatada ayuu ku eedeeyay inay yihiin dadka loo adeegsanayo barakicinta shacabka,sidoo kale Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha inuu dhulka danta guud ka iibinayo ganacsatada.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMMohamed - Shariif, Kheyre iyo CCW: “Waxa aan si adag u cambaareynaynaa  go'aanka muddo-kordhinta sharcidarrada ah ee qaar ka mid ah xubnaha Golaha  Wadatashiga Qaranka ay u sameeyeen Dawlad-goboleedyada qaybta ka ahaa

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -