Sarkaal Dowlada Soomaaliya xil Ciidan ka soo qabtay ayaa si weyn u difaacay Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac kaasoo maalmmihii ugu danbeeyay socila media loo marinaayay eedymo dagaalka la xiriira.

Sarkaalkaan oo ah Taliyihii hore ee qeybta 21-aad ee ciidanka Xoogga dalka Xasan Jaamici ayaa sheegay ineyan qaban eeda loo jeediyay Wasiirka xili uu ku sugan yahay furimaha dagaalka.

Advertisement

“Wasiirka wuxuu awooday inuu Xamar iska joogo Gaari Buruuf ahna ku socdo laakiin badalkeeda wuxuu ka door biday inuu furinta dagaal tago halkaasna ka hago dagaalka”ayuu yiri Xasan Jaamici oo wareysi siiyay idaacada Shabelle.

Sarkaalka wuxuu intaasi ku daray in eedeymaha Wasiirka Difaaca Soomaaliya uu yahay mid dano shaqsi laga leeyahay balse uusan ahayn wax jira.

Wasiirka gaashaandhiga ayaa lagu eedeeyay inuusan daacad ka ahayn dagaalada Dowladu kula jirto Alshabaab iyadoo qaabab kala duwan loogu soo jeediyay dhaliil ku aadan dagaalada socda.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleWarbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Next articleWasiirka Maaliyada Soomaaliya oo Nayroobi kula kulmay Hay’ado caalami ah+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here