HomeWarkiiXasan Sheekh iyo Ismaaciil Cumar Geelle maxay ka wada hadleen

Xasan Sheekh iyo Ismaaciil Cumar Geelle maxay ka wada hadleen

May be an image of one or more people and textJabuuti, Diseembar 29, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jabuuti kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyaddan aan walaalaha nahay Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay wada-tashiga iyo isku-duwidda dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu difaacayo midnimada, madax-bannaanida iyo qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la adkeeyey muhiimadda ay leedahay mowqifta dalalka walaalaha iyo saaxiibka ah ee ka soo horjeestay kala qeybinta Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti doorka walaaltinimo iyo hoggaamineed ee ay ka qaadanayaan garab-istaagga Soomaaliya, gaar ahaan taageerada joogtada ah ee ku aaddan ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dalka.

Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la sii xoojiyo wada-tashiga diblumaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal, si loo ilaaliyo xasilloonida Gobolka iyo mabaa’diida aasaasiga ah ee hagaya xiriirka dowladaha.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ku celinaysaa go’aankeeda adag ee ah ilaalinta midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida qaranka, iyadoo ku kalsoon garab-istaagga iyo wadajirka dalalka Gobolka.May be an image of dais and textMay be an image of dais and text that says "一 좋 Ged"May be an image of dais, the Oval Office and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -