Waxaa si weyn usoo kordhaya hadal heyn ku saabsan warar is khilaafsan oo ka soo baxaya xiriirka ka dhaxeeya Dowlada Madaxweyne Xassan iyo Dowlad Goboleedka Koofur-Galbeed ee uu hogaamiyo Madaxweyne C/casiis Lafta-green,wararka ugu badan waxay sheegayaan in Odayaasha ay kala shakiyeen islamarkaana laga yaabo inay si weyn u sii kala fogaadaan ilaa arintu dagaal ka gaarto.
Warar kuwaas ka duwan ayaa jira oo iyana sheegaya in odayaasha been guur siyaasadeed wadaan oo aysan jirin wax is faham daro ah oo soo kala dhex-galay islamarkaana xurgufta u dhexeeysa C/casiis lafta-gareen iyo siyaasiyiinta ku heybta ah ay tahay arin aysan Dowladu gadaal ka riixeyn balse ay dooneyso inay xaliso.
Dhinacyada aaminsan in Odayaashu kala tageen ayaa tusale ka dhiganaya in ciidamada ka soo horjeeda Lafta-gareen ee Buur-hakaba lagu ururinayo Buur-hakaba ay Dowladu ka danbeyso sidoo kale waxay daliishanayaan dagaalkii ka dhacay Baydhaba inay Dowladu ku lug lahayd madaama Lafta-gareen weeraray guriga Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dowlada Somalia Xasan Eelaay uuna ka guuleystay.
Sidoo kale aragtida qabta in Odayaashu heshiis yihiin waxay iyaguna daliishanayaan in C/casiis Lafta-gareen yahay ninka labaad ee ugu sareeya Xisbiga Madaxweyne Xasan ee JSP madaama uu ku xigeenka 1-aad u yahay Gudoomiyaha Xisbiga Xasan Sheekh ahna Madaxweynaha Somalia.
Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in Madaxweyne Xasan Ciida kadib ku wajahan yahay Magaalada Baydhaba ee Xarunta kumeel-gaarka ah ee Maamulka Koofur-Galbeed si uu xal rasmi ah uga gaaro xiisada ka dhex taagan Lafta-gareen iyo kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda maamulkiisa.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
