Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland ayaa siyaabo kala duwan u wada gaareen Dalka Jabuuti kadib casuumaad ay ka heleen Madaxweynaha Jabuuti.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Gelle ayaa ujeedkiisu yahay in la sii wado wada xaajoodii labadaan dhinac hore ugu socday taasoo ay wada aqbalen.

Advertisement

Waxaa la filayaa inay labada Masuul Xasan Sheekh Maxamuud iyo Muuse Biixi si la isugu soo dhawaado inay halkiisa ka sii anba qaadaan wada hadaladii hore u soo socday inkastoo mowqifyo adag ay kala taagan yihiin.

Kulankii ugu danbeeyaya  Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliand waxaa kulmiyay xaflada meherka gabadh uu dhalay madaxweyne Geelle iyo Xildhibaan Saadaq Joon.

Si kastaba kulanka labada masuul ayaa noqonaya kii labaad oo dhexmara tan iyo  wixii ka dambeeyay markii dib loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud sanadkii hore.

XAFIIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleSarkaal Booliis ah oo isku dilay ismaamulka Meru
Next articleGanacsade Soomaali ah oo meydkiisa laga helay Dalka Canada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here