Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu tago degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas uu ka bilaabi doono abaabul dagaal oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab ee joogta degmooyin katirsan Galgaduud.

Advertisement

Ergayga gaarka ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada Maxamed Cabdi Waare, ayaa uga digay madaxweyne Xasan Sheekh in Hiiraan u wato wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.

Qoraal uu barta Twitterka soo dhigay madaxweynihii hore ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayuu uga digay madaxweynaha in uusan la safrin una kaxeysan gobolka Hiiraan wasiirkiisa gaashaandhiga Cabdiqaadir Maxamed Nuur.

Waare ayaa sheegay in taladan uu siinayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay ku jirto danta badbaadinta duulaanka ka dhanka kooxda Al-Shabaab iyo kalsoonida lagu qabi karo madaxweynaha oo abaabulaya dagaal ka dhan ah Al Shabaab.

Ergayga madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo islamarkaasna lagula xisaabtamo saraakiishii ku lugta laheyd weerarkii dhiigga badan ku daatay ee lagu qaaday xerooyinka Cowsweyn iyo Galcad .

Hadalkan kasoo yeeray madaxweynihii hore ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa imaanaya xilli madaxweyne Xasan Sheekh la filayo in uu gaaro degmada Maxaas, halkaas uu ka bilaabi doono kulamo iyo abaabul dagaal oo ka dhan ah Al Shabaab.

Gacal Ayman Gacal

Previous articleMW Muuse Biixi oo Degmada Oog kula kulmaya Ciidanka Somaliland ee Laascaanood laga qabsaday.
Next articleTaliska Booliska oo Faah Faahin ka bixiyay Qarax ka dhacay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here