HomeWarkiiXasan Sheekh oo lagu wado inuu noqdo Madaxweynihii u horeeyey ee Soomaaliya...

Xasan Sheekh oo lagu wado inuu noqdo Madaxweynihii u horeeyey ee Soomaaliya oo shirgudoomiya Golaha Ammaanka ee QM

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ku wajahan Magaalada New York ee Dalka Mareykanka halkaasoo lagu wado inuu maalmaha socdo ka dhaco shir uu leeyahay Golaha Amaanka Qaramada Midoobey.

Madaxweyne Xasan ayaa lagu wado inuu shir gudoomiyo kulanka Golaha amaanka QM madaama Somalia ay kursiga hogaanka ku fadhiso sanadkaan islamarkaana waqtigu gabaabsi ka yahay,Madaxweyne Xasan waxaa la sheegay inuu isu diyaarinayo inuu nqodo Madaxweynihii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo shir gudoomiya fadhiga Golaha Amaanka QM.

Warar ku dhaw dhaw Dowlada Somalia ayaa sheegaya in shirka Golaha Amaanka QM uu Madaxweyne Xasan ka jeedin doono khud-bad uu kaga hadli doono qadiyada isku daygii Yuhuuda ee kala geynta midnimada Somaliweyn,sidoo kale wuxuu ka hadli doonaa khilaafka soo kala dhex-galay Somalia iyo Imaaraadka oo sababay in Somalia laga eryo.

 

Sidoo kale Madaxweyne Xasan ayaa la sheegay inuu diyaarsaday oo khudbadiisa uu ku soo dhex darsan doono inuu mucaaradka Dowladiisa shir wada-tashi ugu yeeray sidoo kale wuxuu ka hadli doonaa saarkii uu jimcihii ku tagay Laas-caanood si uu Caalamka ugu muujiyo Soomaalidu marnaba aqbalayn qorshaha kooxda gooni goosatad.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -