Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia Xasan Cali Kehyer ayaa ka hadlay geerida ku timid Korneyl Jaamac Cali Jaamac isagoona u tacsiyeeyay.
Qoraal uu soo saaray Xasan Cali Kheyre oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-
Waxaan qoyskiisa, qaraabadiisa, shacabka iyo dowladda Puntland, iyo qaranka Soomaaliyeed uga tacsiyaynayaa geerida naxdinta leh ee haleeshay Madaxweynihii hore ee Puntland, Korneyl Jaamac Cali Jaamac oo ku geeriyooday dalka Ingiriiska.
Korneyl Jaamac oo ka mid ahaa saraakiishii ciidanka xoogga dalka waxa uu burburkii kadib ka qeybqaatay dib-u-dhiska dalka iyo dib-u-heshiisiinta bulshada. Waxa uuna kaalin mug leh ka qaatay shirarkii dib-u-heshiisiinta bulshada, hirgelinta Jamhuuriyadda 3ᵃᵃᵈ ee Soomaaliya, iyo aasaaskii Puntland.
Waxaan Alle ka baryayaa in uu marxuumka ugu deeqo naxariistiisa janno, qabrigana u waasiciyo, samir iyo iimaanna naga wada siiyo.

