HomeWarkiiXassan Cali Khayre "4.8 milyan oo Soomaali ah ayaa maanta la ildaran...

Xassan Cali Khayre “4.8 milyan oo Soomaali ah ayaa maanta la ildaran xaalado bani’aadannimo, Dowladda muddo-xileedkeedu dhammaadayna ma heyso aragti, qorshe, iyo ajande qaran oo lagu samatabixinayo dadkaas”

Raiisulwasaarihii hore ee Somalia Xassan Cali Kayre ayaa weerar culus oo dhanka diblomaasiyada wuxuu ku qaaday Dowlada muda xileedkeedu dhamaaday ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan.

Ra’iisulwasaare hore Xasan Cali Khayre oo ka tirsa madaxda Mucaaradka Golaha Mustaqbalka ayaa sheegay in Dalka xaalad adag ku jiro islamarkaana ay jiraan Malaayiin Soomaali ah oo la ildaran abaaro xili Dowlada waqtigeedu dhamaaday aany heyn wax qorshe siyaasaded ah oo lagu bad baadiyo dadkaasi.

“4.8 milyan oo Soomaali ah ayaa maanta la ildaran xaalado bani’aadannimo, waxaana ayaandarro ah in dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday aysan lahayn aragti, qorshe, iyo ajande qaran oo lagu samatabixinayo dadkaas Soomaaliyeed ee u baahan gurmadka iyo gargaarka degdegga ah” ayuu yiri Xasa Cali Khayre

Sidoo kale Siyaasi Xasan Cali Khayare wuxuu ku eedeeyay Madaxweyne Xasan mudadii uu xilka hayay in hogaankiisu ku suntanaa musuq maasuq,maamul xumo,aragti la’aan iyo qorshaxumo.

Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Afartii sano uu xukunka hayay ,wuxuu ku suntanaa  aragti la’aan, qorshaxumo, karti la’aan, iyo maamulxumo ay u dheertahay musuqmaasuq, nin jecleysi, boobka hantida qaranka, barakicinta danyarta, iyo hurinta colaado sokeeye” ayuu mar kale  yiri Xassan Cali Khayre

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -