MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia Xassan Cali Khayre ayaa ka dalbaday dhalinyarada siyaasada u xiran ee hada xabsiyada Dowlada ku jra inay mucaaradka Golaha Mustaqbalka u soo gudbiyaan magacyada saraakiisha ka danbeysa xarigooda.
“waxaan ka codsanaynaa dhalinyarada Dowladu xir xirtay inay noo soo gudbiyaan magacyada Saraakiisha xarigooda ka danbeysa kuwaasoo u adeega Madaxweynaha muda xileedkiisu dhamaaday” ayuu yiri Xassan Cali Khayre
Xasan Cali Khayre wuxuu dhanka kale amaan kala dul dhacay dhalinyarada Soomaaliyeed ee qaarkood xabsiyada laga soo daayay isagoo xitaa sheegay in kulanka ay caawa ka hadleen ay iyaga soo qaban qaabiyeen.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
