HomeWarkiiXassan Cali Khayre "Sida looga soo qeybgalay caleema saarkii Ugaaska Mursade waxay...

Xassan Cali Khayre “Sida looga soo qeybgalay caleema saarkii Ugaaska Mursade waxay tusaale nool u tahay sida dhaqankeennu u nool yahay.

Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia Xassan Cali Khayre ayaa ka hadlay xafladii caleema saarka Ugaaska Mursade isagoona amaan kala dul dhacay dhaqanka Soomaaliyeed.

“Sida looga soo qeybgalay caleema saarkii Ugaaska Mursade waxay tusaale nool u tahay sida dhaqankeennu u nool yahay dadka Soomaaliyeedna ay isugu xiran yihiin, isu jecel yihiin, una yihiin ul iyo diirkeed”ayuu yiri Xassan Cali Khayre

“Waxaan hambalyo u dirayaa Ugaaska Murusade Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde Ugaas Muumin oo maanta lagu caleemasaaray Muqdisho” ayuu mar kale yiri Xasan Cali Khayre

Sidoo kale Khayre wuxuu ugu duceeyay Ugaaaka inuu Alle la garabgalo masuuliyadda culus ee maanta loo caleemasaaray, kana dhigo hoggaamiye looga daydo xilkasnimada, daacadnimada, kartida, hufnaanta iyo dulqaadka, kana shaqeeya nabad, midnimo, iyo horumar.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -