HomeWarkiiXassan Cali Khayre "Waxaa ayaandarro iyo musiibo qaran ah in dowadu weerarayso...

Xassan Cali Khayre “Waxaa ayaandarro iyo musiibo qaran ah in dowadu weerarayso shacabka, si ay uga barakiciso guryahooda”

Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia Xasan Cali Khayre ayaa si kulul uga hadlay dagaalka Caawa ka dhacay xaafado ka tirsan Degmada Dayniile kaasoo u dhexeeyay Booliiska iyo dadka deegaanka xili dhimasho iyo dhaawacba uu ka dhashay.
Xassan Cali Khayre ayaa ku eedeeyay Dowlada inay duulaan ku qaadeen dad shacabka ku nool waaxda Kordamac ee degmada Deyniile.
Khayre wuxuu xusay in caawa ciidamada Dowlada dadka ay laayeen uu ku jiro
Musamil Yuusuf Cismaan oo ah wiil yar oo 3 jir ahaa,wuxuu uga tacsiyeeyay waalidiintiisa iyo guud ahaan ehaladiisa.
Qoraalka Khayre qeyb ka mid ah halkaan ka akhriso:-
Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarka uu taliska Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud caawa ku soo qaaday shacabka ku nool waaxda Kordamac ee degmada Deyniile. Waxaan Alle uga baryayaa in uu u naxariisto dadkii ay caawa ciidanka dowladdu ku dileen Deyniile, una boogadhayo shacabkii ay ku dhaawaceen.

Waxaa ayaandarro iyo musiibo qaran ah in dowadda Madaxweyne Xasan Sheekh ay weerarayso shacabka, si ay uga barakiciso guryahooda, ciidankii qarankana u adeegsanayso dhulboobka, barakicinta iyo gumaadka shacabka.

Taliska arxanka daran ee Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku jira maalmihiisii ugu dambeeyay wuxuu uu ku mashquulsan yahay xaalufinta dalka iyo boobka hantida qaranka. Waxaan ciidanka qaranka uga digayaa in ay ka sii qeybqaataan boobka dhulka shacabka, gumaadka dadweynaha, barakicinta dadka danyarta ah, iyo fulinta damaca gurracan ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -