HomeWarkiiXassan Cali Kheyre "Dhacdada maanta  ee Dayniile waa xasuuq Dowlada Xasan Sheekh...

Xassan Cali Kheyre “Dhacdada maanta  ee Dayniile waa xasuuq Dowlada Xasan Sheekh u gaysatay shacabka”

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia Xassan Cali Kheyre ahna Musharax Madaxweynaha Somalia  ayaa ka hadlay safarka uu maanta Hargeysa ku yimid Wasiir Arimaha Dibada Israa’iil iyo waliba dhacdada Degmada Dayniile ee ciidamada Dowladu rasaasta ku fureen shacabka.
Xassan Cali kheyre  wuxuu ugu horeyn cambaareeyay dhibaatada ay maanta Dayniile ka geysteen ciidamada Dowlada oo dhimasho iyo dhaawacba isugu jirey,wuxuuna ku tilmaamay Siyaasi Xasan Cali Kheyre dhacdada maanta xasuuq dowlada Xasan heek gaysatay.
“Waxaan si adag u cambaaraynayaa dilka iyo dhaawaca ay maanta Dowladda Madaxwayne Xasan Shiikh kula kacday shacabka Degmada Dayniille, waxaan Alle ka baryayaa inuu u naxariisto dadkii ay Dowladdu maanta ku xasuuqday degmada Dayniille, eheladii ay ka geeriyoodeenna samir iyo iimaan ka siiyo inta ku dhaawacantayna uu Allah u booga dhayo” ayuu yiri Xassan Cali kheyre
“Waxaa ayaan darro ah in halkii laga sugayay dowladda ilaalinta midnimada iyo difaaca dalka, ay ku howlan tahay boob iyo barakicin ay ku beegsanayaso shacab dan yar ah oo la daalaadhacaya nolosha maalinlaha ah”ayuu mar kale yiri Xasan Cali Kheyre
Si kastaba Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia Xasan C. Khayre wuxuu  ugu baaqay madaxda dowladda  in ay joojiyaan barakicinta iyo xasuuqa shacabka, sharcigana la hor keeno ciddii gaysatay falkii maanta ka dhacay degmada Dayniille.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -