HomeWarkiiXassan Cali Kheyre "Dowlada Xasan Sheekh waxay ka tagtay Dastuurkii iyo sharciyadi...

Xassan Cali Kheyre “Dowlada Xasan Sheekh waxay ka tagtay Dastuurkii iyo sharciyadi dalka lagu maamulayay”

Xasan Cali Kheyre muxuu ka yiri guul darradii Xildhibaaanad Marwo -  Raxanreeb OnlineMUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa si kulul uga hadlay kulan isaga xubnaha kale madasha mucaaradka ay la yeesheen dad shacaba oo dhawaan Dowladu ka barakicisay halkii ay 30 sano ka daganayeen Magaalada Muqdisho.
Xasan Cali Kheyre wuxuu si weyn ugu eedeeyay Madaxweyne Xassan in Dowladiisu caadeysatay boobka dhulka danta guud iyo barakicinta dadka danyarta ah.
“Waxaan ciidamada qaranka ugu baaqayaa in aaney aqbalin in loo adeegsado dhulboobka, burburinta suuqyada caasimadda, iyo barakicinta hooyooyinka iyo dadka maatada ah”ayuu yiri Siyaasi Xassan Cali Kheyre
Sidoo kale Siyaasigaan wuxuu ka dhawaajiyay cabashada shacabka inay ka muuqato quus iyo Dowladii Somaaliyeed ka tagtay u qidmeynta sacabkeeda.
“markaan dhageystay hadalkiina waxaa ii muuqata Dowlad dadkeedii ka tanaasushay,Dowlad sharciyadii ka tanaasushay,Dowlad Dasturkii ka tanaasushay,Dowlad xitaa maxkamadihii ay wax ka qaban la’yihiin dacwada dadweynaha,waa meeshii ugu danbeysay oo ay dadku tagi lahaayeen”ayuu mar kale yiri Xasan Cali Khayre.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -