HomeWarkiiXassan Cali Kheyre "Guusha taariikhiga ah ee Garsoore Cumar Cartan u soo...

Xassan Cali Kheyre “Guusha taariikhiga ah ee Garsoore Cumar Cartan u soo hooyay Somalia waxa ay astaan u tahay xirfadda, anshaxa iyo daacadnimada”

Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay guushii taariikhiga ahayd ee uu gaaray Garsooraha kubada cagta ee heerka Caalami Cumar C/qaadir Cartan isagoona si weyn ugu hambalyeeyay.

“Waxaan garsoore Cumar, bahda isboortiga qaranka, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa guusha garsoore Cumar Cabdiqaadir Cartan oo caawa lagu abaalmariyay billadda Garsooraha ugu Wanaagsan Afrika ee 2025 ee Xiriirka Kubadda Cagta ee Qaaradda Afrika” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre

Siyaasigaan wuxuu ku amaanay Garsoore Cumar Cartan inuushaasi ku gaaray xirfaddiisa, anshaxiisa iyo daacadnimadiisa.

“Guushan taariikhiga ah ee garsoore Cumar u soo hooyay dalkeenna iyo dadkeenna waxa ay astaan u tahay xirfadda, anshaxa, daacadnimada, iyo dadaalkii miradhalay uu muddada dheer gelinayay horumarinta xirfaddiisa iyo garsoorka kubadda cagta Soomaaliyeed” ayuu mar kale yiri Ra’iisulwasaare hore Xasan Cali Kheyre.

“Mar kale hambalyo garsoore Cumar, bahda isboortiga qaranka, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, shacab iyo dowladba” ayuu mar kale yiri

Madaxdii hore ee dalka soo maamushay sida Farmaajo iyo Xassan Cali kheyre iyo kuwa jooga sida Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisulwasaare Xamza ayaa dhamaantood waxay u hambalyeeyeen Garsoore Cumar Cartan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -