HomeWarkiiXassan Cali Kheyre iyo Shariif oo war ka soo saaray dagaalka saaka...

Xassan Cali Kheyre iyo Shariif oo war ka soo saaray dagaalka saaka ka dhacay Ceeldheer

Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sh. Axmed ayaa goor dhaw war ka soo saaray dagaaka saacadaha badan qaatay ee saaka ka dhacay Magaalada Ceel-dheer ee Gobolka Galgaduud halkaasoo guul weyna ay ka gaareen ciidamada Dowlada markii Alshabaab ay isku dayeen inay qabsadaan Magaaladaasi.

Qoraal uu Xasan Cali Kheyre kaga hadlay dagaalkaani ayaa sidan u qorneyd:-

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Ciidanka Xoogga Dalka iyo halyeeyada deegaanka oo si nafhurnimo ah uga hortagay weerarkii ay argagaxisadu maanta ku soo qaadeen degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Waxaan qoysaskooda, qaraabadooda, iyo qaranka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida halyeeyadii ku shahiiday dagaalkii maanta ee naftooda u huray difaacaya dalkooda iyo dadkooda. Waxaana Alle uga baryayaa in uu ka waraabiyo naxariistiisa janno, una boogadhayo halyeeyadii ku dhaawacmay.

Argagaxisadu waa caqabadda iyo cadawga ugu weyn ee maanta hortaagan nabadda, xasilloonida, iyo horumarka Soomaaliya. Waxaan madaxda dowladda ugu baaqayaa in mudnaanta koowaad la siiyo ciribtirka argagaxisada arxanka daran ee khatarta ku ah horumarka dalka, dadka, iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

Sidoo kale Shariif qoraalkiisa ayaa isna sidan u soo qorey:-

Waxaan boggaadinayaa Ciidamada Qaranka iyo kuwa difaaca shacabka ee ka hortagay weerarka kooxda argagixisada Al-Shabaab ay ku soo qaaday Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Geesiyaasha xoogga Dalka iyo kuwa difaaca shacabka waxay guteen waajibkooda, waxayna mudan-yihiin garab-istaag dhab ah iyo in mar walba laga war hayo daryeelkooda, maadama ay naftooda u hurayaan difaaca dalka iyo dadka.

Waxaan u tacsiyeynayaa geesiyaasha ku shahiiday weerarka saakay, anigoo sidoo kale kuwa dhaawacmay u rajaynaya soo kabasho deg deg ah.

Ugu dambayn, waxaan ku boorrinayaa shacabka Soomaaliyeed inay garab iyo gaashaan u noqdaan ciidanka Qaranka iyo xoogaga difaaca shacabka, waxaana madaxda dowladda u soo jeedinayaa in ahmiyadda koowaad laga dhigto la dagaalanka kooxaha argagixisada ah ee caadeystay daadinta dhiiga ummadda Soomaaliyeed.

May be an image of 10 people and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -