HomeWarkiiXassan Cali Kheyre muxuu ka yiri Janaraal Axmed Cabdi Cali (Qalyare)

Xassan Cali Kheyre muxuu ka yiri Janaraal Axmed Cabdi Cali (Qalyare)

Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay geerida maanta ku timid Allaha u naxariistee Taliyihii Guutada Labaad ee Ciidamada Difaaca Puntland, Janaraal Axmed Cabdi Cali (Qalyare) oo qarax miino lagu dilay.
Xasan Cali Kheyre oo ka hadlayay halgankii Janaraalka wuxuu xusay inuu lafdhabar u ahaa hawlgalka ciribtirka argagixisada ee ka socda buuraha Gobolka Bari-Puntland.
Qoraal kooban uu Xasan Cali Kheyre uu soo dhigay baraha bulshada ayaa sidan u qorneyd:-
Waxaan qoyskiisa, qaraabadiisa, shacabka iyo dowladda Puntland, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee haleeshay Taliyihii Guutada Labaad ee Ciidamada Difaaca Puntland, Janaraal Axmed Cabdi Cali (Qalyare) oo ku shahiiday halganka argagaxisada looga ciribtirayo Puntland.
Janaraal Qalyare oo lafdhabar u ahaa hawlgalka ciribtirka argagixisada waxa uu ahaa hoggaamiye iyo halyeey qaran oo naftiisa u huray difaaca dalkiisa, dadkiisa, iyo dowladnimadiisa. Waxaan Alle ka baryayaa in uu naxariistiisa janno ugu deeqo marxuumka iyo askartii kale la shahiidday, una boogadhayo intii ku dhaawacantay.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -