Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia Xassan Cali Kheyre ayaa si kulul uga hadlay xariga dhawaan ciidamada Booliisku u geysteen Nabadoon Xuseen Xaadoole kaasoo dhawaan warbaahinta ka soo muuqday isagoo Madaxweynaha ku eedeynaya dhul-boob.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu Xssan Cali Kheyre ku sheegay in Nabadoonka la xire uu yahay qareen u taagan difaaca dhulka danta guud .
Haddaba qoraalka Xasan Cali Kheyre halkaan ka akhriso isagoo sidiisa u qoran:-
Waxaan si adag u cambaareynayaa xarigga ay dowladdu kula kacday Nabaddoon Xuseen Maxamed Maxamuud (Xaadoole), oo caawa waaran la’aan lagu afduubay degmada Xamarweyne, kadib markii uu ka hadlay dhulboobka iyo barakicinta ay dowladdu ka waddo caasimadda dalka.
Xarigga Nabaddoon Xuseen Xaadoole waa caburin iyo cabsigelin lagu aamusinayo codka shacabka, wuxuuna xadgudub ku yahay xuquuqda muwaadinka iyo qodobka 18aad ee Dastuurka Dalka oo muwaadin kasta xaq u siinaya in uu si xor ah u cabiro fikirkiisa.
Nabaddoon Xuseen Xaadoole waa qareen u taagan difaaca dhulka danta guud iyo afhayeen u dooda xuquuqda dadka danyarta ah. Waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqayaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo Nabaddoonka, lana joojiyo dhulboobka, barakicinta danyarta, iyo caburinta shacabka.
