Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa war kooban ka soo saaray dabkii khasaaraha badan gaystay ee buburyay inta badan suuqa labaad ee ugu weyn somalia ee Suq-bacaad.
Qoraalka Siyaasi Xasan Cali Kheyre ayaa sidan u qornaa:-
Waxaan murugada iyo tiiraanyada la qeybsanayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee hantidooda ku waayay dabkii ka kacay Suuq Bacaad oo ah suuqa labaad ee ugu weyn caasimadda dalka. Waxaana Alle uga baryayaa in uu ugu beddelo hanti ka kheyr iyo barako badan.
Gubashada hantida ganacsatada dalku waa musiibo qaran, waana waajib diini iyo damiiri ah in waqtigan adag la garab-istaago dadkii suuqan ku tiirsanaa ee khasaaruhu saameeyay. Waxaan dowladda, ganacsatada, iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in loo gurmado ganacsatadii dabkan ku hantibeeshay, dib-u-dhisna lagu sameeyo Suuq Bacaad oo ka mid ah halbowlayaasha dhaqaalaha dalka.
