MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa aad u sii kordhaya taageerayaasha iyo dadka ku qancaya hab siyaasadeedka Musharax Madaxweyne Xassan Cali Kheyre oo ah Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya xili dalku sii galayo waqtiga kala guurka islamarkaana uu sii dhamaanayo muda xileedka Madaxweynaha Soomaaliya Xassa Sheekh.
Dhalinyarada Soomaaiiyeed ee ku biireysa xisbiga Xasan Cali Kheyre ayaa sii kordheysa xili dalku aadayo doorasho marka la gaaro bisha May 2026 markaasuu uu ku egyahay muda xileedka Madaxweyne Xassan.
Xasan Cali Kheyre ayaa si joogto ah xafiiskiisa Muqdisho wuxuu ugu qaabilaa dhalinyarada la dhacsan Urur siyaasadeedkiisa ama xisbigiisa kuwaasoo Muqdisho iyo Gobolada Dalka ka kal imaanaya,qulqulka dadka ku soo biiraya xisbiga Khyere waxay macno badan u yeeleysa rajada ah in Xasan Cali Kheyre ku guuleysto xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Dhaq dhaqaaqyada iyo horumarada uu sameynayo Xassan Cali Kheyre waxay ku soo aadeysa xili doorashadii hore ee sanadkii 2022 uu wacdaro ka dhigay doorashada Mudane Xasan Cali Kheyre waliba dad badan aysan fileyn, wixii markaas ka danbeeyay wuxuu kasbaday quluubka dad badan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM



