HomeWarkiiXassan Cali Kheyre oo si adag uga hadlay xarig ciidamada Dowladu ka...

Xassan Cali Kheyre oo si adag uga hadlay xarig ciidamada Dowladu ka gaysteen Degmada Dayniile

Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia Xassan Cali Kheyre ayaa si kulul uga hadlay dad shacaba oo maanta ay xireen ciidamada Booliiska deegaanka Gubta ee Degmada Dayniile Magaalada Muqdisho kuwaasoo sida uu sheegay si nabdoon u banaan baxayay.
Qoraal uu goor dhaw soo saaray Xasan Cali Kheyre islamarkaana uu ku canbaareeyay talaabada Booliisku ku dhaqaaqeen ayaa sidan u qornaa:-

Waxaan si adag u cambaareynayaa afduubka ay ciidanka boolisku deegaanka Gubta ugu gaysteen shacab si nabdoon u bannaanbaxayay iyo wariyayaal tabinayay.

Waxaa ayaandarro ah in dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay caadeysatay xarigga dadweynaha iyo saxaafadda madaxa bannaan, si ay u cabsigeliso, una caburiso warbaahinta iyo bulshada.

Waxaan dowladda ugu baaqayaa in ay si degdeg ah oo shuruud la’aan ah u sii deyso dadweynaha iyo wariyayaasha, ayna joojiso xarigga iyo caburinta ay ku hawllan tahay oo wiiqaya dowladnimada, dimuquraadiyadda iyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -