Ra’iisulwasaarihii hore ee Somali ahna Musharax Madaxweynaha Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay dagaalka saaka ila hada ka socda xaafada Taribuunka kaasoo u dhexeeya kooxo hubeysan iyo ciidamada Dowlada Somalia.
Xasan Cali Kheyre ku eedeeyay Dowlada inay weerar ku qaaday qoysaska danyarta ah ee ku nool garoonka ay Kooxda Horseed oo ku yaal nawaaxiga Taribuunka,sidoo kale wuxuu cambaareeyay talaabada Dowladu qaaday isagooma nasiib daro ku tilmaamay in ciidaamadii Dowlada ee loo carbiyay ilaalinta nabadgelyada shacabka uu adeegsado Madaxweyne Xasan.
Haddaba halkaan ka akhriso qoraalka Xasan Cali Kheyre oo sidiisa u qoran:-
Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarka ay maanta dowladdu ku qaadday qoysaska danyarta ah ee ku nool garoonka ay Kooxda Horseed ee Ciidamada Qalabka-sida ku lahayd degmada Hodan.
Waxaan Alle ka baryayaa in uu u naxariisto dadkii ku geeriyooday, una boogadhayo intii ku dhaawacantay.
Waxaa ayaandarro ah in Ciidankii Qaranka ee loo carbiyay ilaalinta nabadgelyada shacabka uu maanta Madaxweyne Xasan Sheekh u isticmaalayo laynta shacabka iyo barakicinta danyarta. Waxaan mar kale ugu baaqayaa Madaxweyne Xasan Sheekh in uu degdeg u joojiyo boobka dhulka dantaguud, gumaadka shacabka, iyo barakicinta dadweynaha danyarta ah.
