HomeWarkiiXassan Cali Kheyre oo si kulul uga hadlay Xariga Dowlada kula kacday...

Xassan Cali Kheyre oo si kulul uga hadlay Xariga Dowlada kula kacday goor dhaw nabaddoon Cabdirisaaq Nuur Xalane

Ra’iisulwasarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa si kulul uga hadlay xarig goor dhaw Dowladu kula kacday nabaddoon Cabdirisaaq Nuur Xalane kaasoo ciidamada Dowlada ka qabteen garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Qoraal uu arintaan ka hadlay Xasan Cali Kheyre ayaa sidaan u qornaa:-

Waxaan cambaareynayaa xarigga sharcidarrada ah ee dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay maanta kula kacday nabaddoon Cabdirisaaq Nuur Xalane oo ay boolisku afduubteen isaga oo ka dhoofaya garoonka Aadan Cadde.

Nabaddoon Xalane waa oday dhaqameed codkiisa ku difaaca xuquuqda dadka danyarta ah iyo dhulka dantaguud, xarigga ay dowladdu maanta kula kacdayna waa caburin iyo cabsigelin lagu aamusinayo codka indheergaradka bulshada.

Waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqayaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo nabaddoon Xalane, kana joogsado xarigga lagu caburinayo bulshada, barakicinta danyarta, iyo dhulboobka oo cuuryaaminaya dowladnimada, dimuqraadiyadda, iyo horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -