HomeWarkiiXassan Cali Kheyre oo ugu baaqay Dowlada in laga shaqeeyo midnimada iyo...

Xassan Cali Kheyre oo ugu baaqay Dowlada in laga shaqeeyo midnimada iyo dib u dhiska dalka

Xasan Cali Kheyre: “Waxaan ka badbaadnay isku day dil oo lasoo qorsheeyey”  | Caasimada OnlineMUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia islamarkaana ka mid ah musharixiinta dooneysa inay u tartamaan hogaanka ugu sareeya ee dalka marka doorashada Madaxweynaha la gaaro ayaa ka hadlay munaasabada 1-da Luulyo isagoona dhanka kalana Madaxda Dowlada baaq u jeediyay.

Ra’iisulwasaare hore Xassan Cali Kheyre wuxuu umada Somaliyeed ugu hambalyeeyay sannadguurada 65aad ee ka soo wareegtay xornimadii, midnimadii, gobannimadii, iyo curashadii Jumhuuriyadda Soomaaliya.

Mar uu la hadlayay hogaanka Dalka ayuu ugu baaqay xoojinta midnimada dalka iyo wadajirka ummadda, Sidoo kale wuxuu ugu baaqay Madaxda Dowlada in laga shaqeeyo  dib-u-dhiska dalkeenna.

Si kastaba Xassan Cali Kheyre qoraal uu arintaani kaga hadlayo ayaa sidan u qonaa:-

Waxaan guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa sannadguurada 65aad ee ka soo wareegtay xornimadii, midnimadii, gobannimadii, iyo curashadii Jumhuuriyadda Soomaaliya.
1da Luulyo waa maalin taariikhi ah oo na xusuusinaysa nafhurka halyeeyadii u soo halgamay xornimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, kuwaas oo inaga mudan duco, xus, xusuus, iyo in aan nooleyno dhaxalkoodii, kana dhabeyno himilooyinkii ay ku taami jireen.
Munaasabaddan oo astaan u ah midnimada iyo qarannimada Soomaaliya waxa ay na xusuusinaysaa kaalintii hoggaamineed ee gobollada waqooyi ka qaateen midnimada Soomaaliya.
Waxaana madaxda dalka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa in aan xoojinno midnimada dalka iyo wadajirka ummadda, kana wadashaqeyno dib-u-dhiska dalkeenna, dowladnimadeenna, iyo dib-u-heshiisiinta bulshadeenna, dibna loo billaabo wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland, si aan u xaqiijinno midnimo, horumar, nabad, iyo dowladnimo sal adag ku fadhida.May be an image of text that says "KHAIRE ΚΗ HASSAN ALI KHAIRE 1da Luulyo 65 Cemin sano Maalinta Xorriyadda & Midnimada SOOMAALIYA fxo f @HassanAliKhaire"
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -