Qorshe cusub ayuu la yimid Madaxweynaha Samalia Xasan Sheekhbtaasoo uu doonayo inuu ku koontaroolo dhamaan Dekadaha Dalka sida Dekadaha Maamulka Somaliland iyo Puntland.
Qorshahaan oo aan wali la fadhiisin ayaa ka danbeeyay kadib markii dhawaan Dowladu heshiisvla gashay shirkad Midowga Yurub laga leeyahay taasoo Dowlada Somalia u rakibeysa qalab maamulada Dekadaha Dalka oo dhan.
Mashinkaan oo casri ah ayaa sida kan hawada kale wuxuu awood u leeyahay inuu maamulo dhamaan Dekadaha Boosaaso,Berbera ,Muqdjsho iyo guud ahaan dekadaha kale ee dalka.
Madaxweyne Xasan qorshihiisa amniga kaliya iyo inuu xukumo Maamulada waxaa u sii dheer in laga ilaaliyo Dalka guud ahaan inuu soo galo eaashin dhacay iyo wax kasta oo aan la ogoleyn.
Qorshahaan Madaxweyne Xasan isku soo duuboo tan ugu nujiimsan ayaa ah inuusan markab ku soo xiran karin Dekadaha ama uusan hiyaha Somalia soo geli karin ilaa fasax uu ka helo Dowlada Somalia taasoo u suuragelineysa Dowlada Samalia inay maamusho dhamaan Maamul Goboleedyada.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
