BAYDHABA (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliaya Xasan Sheekh oo galabta ka hadlayay caleema saarka Hogaamiyaha Koofurgalbeed Aadan Madoobe ayaa si gaar ah ugu eedeeyay Laftagareen inuu sabab u ahaa khilaafka kala dhexeeyay Dowlada ee sababay ugu danbeyn in xukunka laga tuuro si awood ah waliba.
Madaxweyne Xasan wuxuu sheegay in laftagareen wax kasta uga tanaasuleen si wada shaqeynta ay u sii socoto laakiin uu isagu diiday isku day kasta oo Dowladu ku dooneysay inuu la sii shaqeeyo Dowlada islamarkaana uu kursigiisana ku fadhiyo.
“xitaa waxaan dhahnay noqo gudoomiye ku xigeenka Xisbiga JSP ee Dowlada islamarkaana tartan oo doorashada ka qeybqaado laakiin intaas oo dhan wuxu ka doortay inuu banaanka naga istaago kadib wixii aad aragteen ayaa dhacay” ayuu yiri Madaxweyne Xassan.
