Xassan Shirre Abgaal oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda Puntland ayaa si kulul uga hadlay heshiiska maanta ay Nairobi ku kala saxiixdeen Maamulada Puntland iyo Somaliland wuxuuna sheegay in heshiiskaasi yahay mid sharci daro ah islamarkaana si toos ah u bururinaya Dastuurka Puntland.
“Heshiiskaani wuxuu si cad burburinayaa qodob ka mid ah dastuurka Puntland kaasoo dhigaya in magaca rasmiga ah uu yahay Dowlada Puntland balse hada sida muuqata ay Somaliland ka diiday in la qoro Dowlada Puntland”ayuu yiri
Sidoo kale Siyaasigaan wuxuu sheegay in heshiiskaani uu si dadban aqoonsi Dowladnimpo ugu muujiyay Maamulka Somaliland taasoo latigeduna jabinayo dadstuurka dalka oo qeexaya minimada iyo wada-jirka dhuleed ee Somaliaya.
Si kastaba qoraalka Siyaasi Xasan Shire Abgaal halkaan ka akhriso isagoo sidiisa u qoran:-
Waxaan si adag u cambaareynayaa war-murtiyeedkii lagu magacaabay “Is-afgarad Amni” ee lagu shaaciyey magaalada Nairobi 4–5 Oktoobar 2025, kaasi oo lagu sheegay in uu dhexmaray Puntland iyo Somaliland. Qoraalkaasi ma ahan heshiis sharciyeysan, mana ka tarjumayo maslaxadda shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu ka fog yahay qiyamka dastuuriga ah, midnimada dhuleed iyo rabitaanka guud ee ummadda Soomaaliyeed.
War-murtiyeedkaasi wuxuu si toos ah ugu adeegayaa ajandaha siyaasadeed ee Somaliland, iyadoo si ula kac ah loogu dhiirraday isticmaalka erayada u dhigma aqoonsi dadban. Tani waa ku xadgudub muuqda oo ka dhan ah Dastuurka Ku meel Gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Qodobkiisa 7-aad oo si cad u xusaya midnimada Jamhuuriyadda.
Sidoo kale, heshiiskan wuxuu si cad u jebinayaa Dastuurka Dowladda Puntland, gaar ahaan Qodobka 1-aad oo qeexaya in magaca rasmiga ah ee dowladda Puntland uu yahay “Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed.” Balse war-murtiyeedka laga soo saaray Nairobi waxa si bareer ah loogu adeegsaday magaca “Puntland” iyadoo laga reebay xusidda suuban ee Dowladda Puntland sida uu dhigayo dastuurka, taas oo sababi karta sharci-jabin siyaasadeed iyo mid dastuur ah labadaba.
Waxaa muuqata in Siciid Deni uu si toos ah uga mid noqday hindisahan, isagoo u muuqda inuu si joogto ah ugu hawlan yahay olole siyaasadeed oo ujeedkiisu yahay in uu waddo kasta u maro kala-goynta dalka. Sida la wada ogyahay, Dowladda iyo shacabka Puntland waxay geliyeen naf, maal iyo waqti badan sidii loo heli lahaa Dawladd Soomaaliyeed oo mid ah, oo federaal ah, sida uu dhigayey axdigii dowladda Puntland lagu asaasay iyo Dastuurka Puntland. Reer Puntland uma qalmaan, kumana metelaan gefkaas iyo sharci-darradaas ay koox yari go’aansadeen oo khilaafsfan rabitaanka iyo karaamada guud ee shacabka Puntland.
Waxaan u caddeenaynaa umadda Soomaaliyeed Saciid iyo xukuumadiisu in aysan ku matalin shacabka reer Puntland go’aamadaas soo baxay.
