HomeWarkiiXasuuq ba'an oo maanta loo gaystay shacabka reer Qaza

Xasuuq ba’an oo maanta loo gaystay shacabka reer Qaza

Shacabka magaalada Gaza maanta waxaa loo geystay xasuuq ba’an xili sidoo kalana burburinta guryaha qaza ay sidii u socoto iyadoo ay si cad dhulka ula simayaan daarihii dhee dheeraa ee halkaasi ku yaalay.

Ugu yaraan 78 qof ayaa lagu dilay duqeymaha cirka ee Israa’iil ka gaysatay Gaza tan iyo waaberigii saaka.

Baaritaan ay sameysay Qaramada Midoobay ayaa lagu ogaaday in dagaalka labada sano ku dhow ee Israa’iil ay ku qaaday Gaza uu yahay xasuuq.

Hogaamiyayaasha dalalka Carabta iyo Islaamka ayaa kulan ku yeeshay magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar, waxayna cambaareeyeen weerarka “fulaynimada ah” ee Israa’iil ay ku hayso Qatar iyo sidoo kale “xasuuqa” ay ka waddo Gaza.

Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa uu dilay ugu yaraan 64,964 qof waxana ku dhaawacmay 165,312 tan iyo Oktoobar 2023. Kumanaan kale ayaa la rumaysan yahay in ay ku hoos jiraan burburka. Guud ahaan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii 7-dii Oktoobar, waxaana la qabtay ilaa 200 oo qof.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -