
Hal qof ayaa ku dhintay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ka geysteen koonfurta Lubnaan.
Ugu yaraan 33 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay qaar badana waa lagu dhaawacay weerarrada Israel ee guud ahaan Gaza tan iyo waaberigii, sida ay ilo-wareedyo caafimaad u sheegeen Al Jazeera.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa lagu wadaa in uu xafiiska Oval-ka kula kulmo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ka dib soo jeedintii Mareykanka ee ahaa in la joojiyo dagaalka Gaza.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa uu dilay ugu yaraan 66,055 qof waxana ku dhaawacmay 168,346 tan iyo bishii Oktoobar 2023. Kumanaan kale ayaa la rumaysan yahay in ay ku hoos aasan yihiin burburka. Wadarta 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weeraradii Oktoobar 7, 2023, waxaana la qabtay ilaa 200 oo qof.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
