Bishaan oo.kale.maarso 11 iyo 24 sanadihii 2014 iyo 2004 waxaa lagu aasay degmada xamar jabjab iyo nawaaxiga ceelasha biyaha ee duleedka muqdisho. Aunt boqorkii iyo boqoradii fanka maxamed saleebaan tubeec iyo xaliimo khaliif cumar ” magool ” waxaana ay ku kala geryoodeen wadamada germany iyo holland.

Ruwaayadihii kala ahaa ( aabahey ka samraye adiga ) iyo jaceyl boob uma baahna oo horaantii 70 meeyadii ay soo bandhigeen abwaanada kala ah aunt maxamed cali kaariye iyo ain cabdulqaadir cali cigaal ” ciro ” ayey si weyn uga dhexmuuqdeen tubeec iyo magool oo dhowr heesood ku lahaa ruwaayadahaasi waxaana xusid mudan ka sakow heesaha dabacsan in lagu xasuusto heeso fara badan oo wadani ah.

Aunt maxamed saleebaan tubeec hadaan mid iyo labo ka xuso heesihisa wadaniga waxaa ka.mid ahaa ( qolo qolo ) ( sheydan maroore ) aunt magoolna waxqq ka.mid ahaa ( afrikoy hurodooy ) ( geesiga birta ahee ).

Janadii fardowso.alaha ka waraabiyo maxamed saleebaan tubeec iyo xaliimo khaliif magool oo bishaan oo kale lagu xasuusto geeridooda 11-3-2014 ( aunt tubeec ) 24-3-2004 ( aunt magool ) wàa maalmihii la aasay marxuuminta.oo.ku kala geeryooday germany iyo holland

Wariyaha Dhanka Fanka Ahmed Uursoox

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here