Dalka Soomaaliya waxuu soo maray Xukun adag oo kaligiis talis ah oo dalka galiyey bur bur iyo isnaceeb bushada dhaxdeeda ah taana waxay keentay in la waayo qaran mideysan ay Soomaaliya yeelato

Dowladii kalgii taliska aheyd ee Maxamed Siyaad Bare waxaa laga dhaxlay caburin ,Dil iyo musuq maasuq waana tan hada keentay Dowlad kastoo la yagleelo u dhaqanta sidii Dowladaasi u shaqeyn jirtay

Hada dalka Soomaaliya waxaa Heysta wiil uu adeer u ahaa Siyaad Bare oo lagu magacaabo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ku soo bar baray howlahii kacaanka taana waxay keenta in uu Dalka ku Xukumo hab dhaqankii xumaa Dowladii kaligiis taliska aheyd ee maanta gaarsiisay halka ay Soomaaliya joogto

Farmaajo waxuu ahaa dhalinyardii ku soo bar baaray canshuurta Dowladii Kacaanka isagoona noqday masuul sare oo ka soo shaqeeyey Safaarada Soomaalida Dalka Mareykanka

Markaa fiirisa habka uu u dhaqmaayo Madaxweyne Farmaajo waxaa kugu soo dhacaayo Dowladii Maxamed Siyaad Bare habka shacbka loo kaacaaneynayo sida wadaniga leysaga dhigayo iyo waliba marin habaabinta shacbka

Farmaajo waxuu sameystay maxkamado aan ka duwneen maxakamadahii Kacaanka waxaa la xukunaa maalin kasto cid walboo ka soo horjeeda Kacaanka Cusub ee Madaxweyne Farmaajo waxaana taa u sii dheer caburinta shacabka aan la dhacsaneen hanaanka qaldan uu dalka ku hogaaminaayo

Dowladii Siyaad Bare ayaa qabatay dhowr Doorasho oo isagu uun ahaa musharax kaliya waxuuna soo dhigi jiray laba sanduuq oo ku kala qorontahay haa iyo may waxaan sanduuqyada waardiyo ka ahaa Guulwadayaal kuwaa Dadka ku qasbi jiray in ay ku ridaan haa mayana qofka ku rid is dhaho waxuu ahaa kacaan diid waana lq xiri jiray

Maxuu taa kaga mid yahay Farmaajo

Waxuu sameeyey kor joogto Doorasho uu kala soo aruuray Xarunta madaxtooyada,Nabadsugida qaran iyo Xoogaga wadaniyiinta kuwaa uu doonayo in Codka uu ku boobo oo Doorashada ay noqoto mid isaga oo kaliyaha ku soo baxo madaama kii gar wadeenka ka ahaa uu isagu keensaday iyo waliba kii loo dacwoon lahaa

Kama fikirin Farmaajo in Aduunka ka suulay kaligii taliyey

Hadaba su aasho waxtahay Farmaajo lama socda miyaa waxa laga soo maray kursiga uu maanta ku fadhiyo mise hilmaamyey in aqligii Siyaad Bare mar kale ka shaqeyneen Soomaliya madaama la xasuusto Boogtoow geestay

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here