
Maxay isaga mid yihiin Diidmada Siyaad Bare 1991 iyo mida Farmaajo 2021
Markay Dalka Soo gashay USC ayaa Siyaad bare waxa u tagay Odoyaal Soomali oo dhan ka kooban waxana lagu yiri walaaloow Dadlkaan ha bur burin ee Si Dalka loo Bad baadiyo Xukunka ku wareeji Xuseen kulmiye ee saxiibkaa ah si dalka Doorasha looga qabta taa wuu diiday Siyaad Bare waxuuna laayey Odoyaashii qaar ka mid sida Allaha u naxariistee Xaashi Wehliye iyo Muuse Boqor
Hadaba dhacdadaasi dhacday 30 snao ka hor maxay isaga mid yihiin
Farmaajo dhowr mar ayuu Fashiliyey Dhowr shir isagoo damaciisa ka hor marinaayo tan soomaliya
Shalay ayaa loo jeediyey in uu Awooda ku wareejiyo Wiilka uu 10 Malyen ka dhex doortay in uu Ra iisal wasare ka dhigto
Waxaana lagu yiri madaama aad Musharax tahay waqtigii Madaxweyna nimada ka dhacday samay sidoow Sameeyey Madaxweynahii ka horeeyey Xasan Sheikh ee Awooda ku wareejiyey jawaari oo xiligaa ahaa Gudoonka Baarlamaanka madaama Cumar cabdirashiid Musharax ahaa
Farmaajo oo kalsooni ku qabin Ra iisal wasarahiisa waa diiday in uu wareejiyo Awooda waxuuna markiiba soo saaray shirka in uu fashilmay
Hadaba Su ssho waxay tahay Farmaajo oo Laba mar uu xil sare qabtay Xoog looga dajiyey xukunka ma lagu aamni karaa Dal 30 Sano Colaad ku jiray mar kale