XIGASHO LAACIB.NET
Halyeeygii khadka dhexe ee Barcelona iyo tababarihii hore ee kooxda, Xavi Hernandez, ayaa si toos ah uga falceliyay bayaankii dheeraa ee uu soo saaray Marc-André ter Stegen kadib markii laga qaaday kabtannimada kooxda.
Xavi ayaa si cad u muujiyay taageeradiisa, isagoo (like) saaray farriinta Ter Stegen ee Instagram-ka, wuxuuna uga tagay faallo kooban oo uu ku yiri: “Mar walba tusaale wanaagsan ayaad aheyd.”
Waxaa sidoo kale suuragal ah in Xavi uu dhinac la yahay Ter Stegen, maadaama isagaba xilka laga qaaday sannad ka hor — arrin muujin karta mowqifkiisa ah in kooxda, isaga xitaa ay kula kacday caddaalad-darro la mid ah tii goolhayaha ku dhacday.
Taageerada uu Xavi u muujiyay Ter Stegen waxay si xooggan u muujinaysaa xiriirka iyo is-ixtiraamka ka dhaxeeya labada shaqsi, xilli kooxda ay wajahayso waqti adag oo isbeddel ah.
XIGASHO LAACIB.NET
