HomeWarkiiXayiraadii ka jirtay Garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta oo xal laga gaaray

Xayiraadii ka jirtay Garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta oo xal laga gaaray

NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Shaqaalaha qaybta duulista hawada ee hoos yimaada Ururka Shaqaalaha Duulista Hawada ee Kenya (KAWU) ayaa joojiyay shaqo-joojintoodii ka dib markii ay heshiis la gaareen dowladda Kenya.

Subaxnimadii Talaadada, ururka KAWU ayaa heshiis ku saabsan dib-u-shaqo-gelidda la saxiixday Wasaaradda Gaadiidka, iyagoo ballanqaaday inay dib u bilaabayaan hawlahoodii caadiga ahaa isla marka heshiiskaas la dhaqan-geliyo.

Tani waxay horseedi doontaa in si buuxda dib loogu bilaabo hawlaha garoomada diyaaradaha ee Kenya, kuwaas oo hakad galay tan iyo Axaddii markii shaqaaluhu ay shaqada joojiyeen iyagoo ka cabanaya Hay’adda Duulista Rayidka ee Kenya (KCAA), Hay’adda Garoomada Diyaaradaha ee Kenya (KAA) iyo shirkadda Jambojet Limited (Jambojet).

Garoonka diyaaradaha Koma Kenyata waxaa dhowr maalin ku xayiran Soomaali boqolaal gaareysa kuwaasoo uu saameeyay gadoodka ay sameeyeen shaqaalaha Garoonkaasi taasoo ugu danbeyn xal laga gaaray sida aan ka soo xiganay Citizen TV oo Kenya laga leeyahay.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -