Qandala (dayniiile.com)- Wararka laga helaayo Puntland ayaa sheegaya in mar kale kooxaha burcad badeeda ah ay qafaasheen Dooni mareysay meel ku dhaw xeebaha Puntland.

Doontaan oo ah nuuca kaluumeysiga ayaa laga qafaashay xeebaha Degmada Qandala ee Gobolka Bari ee Maamulka Puntland.

Advertisement

Saraakisha Amniga Puntland waxay xaqiijiyeen afduubka doonidaasi laakiin wali wax faah faahin ah kama bixin doonidaas iyo shaqaalaha saarnaa.

Saraakisha Amniga waxay sidoo kale sheegeen inay ciidamo u direen dhanka burcad badeeda balse wali aysan gacan ku soo dhigin.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii kooxaha burcad badeeda ay xeebta Degmada Eyl ka qafaasheen Dooni ganacsi oo u rarneyd Soomaalida balse laga lahaa Dalka Iiraan waxaana lagu qafaashay 16 shaqaale Iiraan ah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleMarkab sida Mucaawino fara badan oo ku soo wajahan Muqdisho.
Next articleMaalin dheeraad ah oo lagu daray Xabad joojintii Xamaas iyo Yuhuuda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here