WAA MAXAY MACNAHA ERAYADA LAGA SOO GAABIYAY CEDAW ?

CEDAW waxaa laga soo gaabiyay micno ahaan Axdiga Ciribtirka Takoorka ka dhanka ah Haweenka.
Haddii aad dooneyso inaad waxbadan ka ogaato ka daalaco mareegtan afka qalaad ku qoran

https://www.ohchr.org/en/instruments-mechanisms/instruments/convention-elimination-all-forms-discrimination-against-women

Aan guda galno qormadeenna noo muhiimka ee ah: Muxuu Xeerka CEDAW ku khilaafay
shareecada Islaamka ?

Qodobada ugu waa weyn ee CEDAW
ku khilaafay kagana soo horjeedo Diinta islaamka waxaa kamid ah
Qodobka 2 -aad oo dhigaya Dowladaha saxiixa heshiiskan waxaa waajib ku ah inay buriyaan Xeer walba xukun walba ee kala soocaya Nin iyo naag haba cuskadaan qodob diimeed waana qodob ka soo horjeeda Diinta iyi shareevada islaamka haddii la raaco CEDAW waxay ka dhigan tahau wixii sharci ah ee ku saabsan dumarka in la wada tuuro

: ( Ilaahayna wuxuu quraanka nagu amray
(فَلاَ وَرَبِّكَ لاَ يُؤْمِنُونَ حَتَّىَ يُحَكِّمُوكَ فِيمَا شَجَرَ بَيْنَهُمْ ثُمَّ لاَ يَجِدُواْ فِي أَنفُسِهِمْ حَرَجاً مِّمَّا قَضَيْتَ وَيُسَلِّمُواْ تَسْلِيماً )) [ النساء 65

(An-Nisaa – 65)
Eebahaa baan ku dhaartaye ma rumeeyaan intay kugu Xukuntamaan waxa dhex mara oyna ka helin Naftooda dhib, waxaad Xukuntay ooy hogaansamaan hogaansi.

Qodobbka CEDAW 16-aad waa qodobka ugu khatarsan qodobkaan ayaa meesha ka saaraya 1. WILAAYADA oo in haweeneyda wali laga noqdo oo waxay yiraaahdeen gabadha waa xur sidey doonto ayay yeeli gabadha iyadaa isu guurin is bixin wax waalid ama wali ah lama rabo waxayna si toos ah ugu hor imaan taasi sharciga Alle iyo Nabiga scw hadalkiisa oo ah:
( أيما امرأة نكحت بغير إذن وليها فنكاحها باطل فنكاحها باطل فنكاحها باطل) رواه الترمذي ، وصححه الألباني .
Haweeneydii guursataa waligeed la’aan nikaaxewdu waa baadil nixaakeedu waa baadil.

2. Waxay kaloo yiraahdeen ilmaha magaca hooyadood ayay ku abtirsan oo qaadan
Waxayna ka soo horjeedaa ilaahay amarkiisa oo ah:
(ادْعُوهُمْ لِآبَائِهِمْ هُوَ أَقْسَطُ عِندَ اللَّهِ )

(Al-Ahzab – 5)
Ugu yeedha kuwaas Aabayaalkood saasaa ku cadaalo badan Eebe agtiise,

3. CEDAW wuxuu qabaa inaan la guursan Xaasas badan aayadaan Alle ayuu ka gor imaan

(فَانكِحُواْ مَا طَابَ لَكُم مِّنَ النِّسَاء مَثْنَى وَثُلاَثَ وَرُبَاعَ )

(An-Nisaa – 3)
Guursada dumarka idiin Wanaagsan oo Haween ah, Labo, Saddex iyo Afar.

Xeerkan CEDAW guddi qaramada midoobay ay u saaray auaa yiri: guurka badan wuxuu ka jira dalalka muslimka ah wuxuuna ka hor imaanayaa guurka dumatka badan xuwuuwda haweenka markaas waa in la joojiya guurka haweenka badan.

4. CEDAW wuxuu qabaa in haweenka aysan tirsan CIDDADA ( marka la furo kadib ) ama marka hawewney seygeeda ka dhinto.
Diinta islaamkana waxay qabtaa:

(وَإِذَا طَلَّقْتُمُ النَّسَاء فَبَلَغْنَ أَجَلَهُنَّ )
Al-Baqara – 232)
haddaad furtaan Haweenka oo ay gaadhaan mudadooda.

5. CEDAW wuxuu laalay ragga masuuliyadooda in ninka reerkiisa masuul ka noqdo
Ilaahay wuxuu yiri:

(الرِّجَالُ قَوَّامُونَ عَلَى النِّسَاءِ
بِمَا فَضَّلَ اللَّهُ بَعْضَهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ وَبِمَا أَنفَقُوا مِنْ أَمْوَالِهِمْ)[النساء: 34] .
(An-Nisaa – 34)
Raggaa u taagan (Maamulka) Haweenka, ka Fadilida Eebe Qaarkood Qaar iyo ku nafaqaynta Xoolahooda darteed,

6. CEDAW waxay qabaan in sanadka guurka dumarka yahay 18 sano waxayna hiigsanayaan in la gaarsiiyo 21 sano.
Warkoodaas wuxuu ka hor iman hadalka suubanaha nabigeena muxamed scw oo ah
أن النبي صلى الله عليه وسلم قال : «يَا مَعْشَرَ الشَّبَابِ ، مَنْ اسْتَطَاعَ الْبَاءَةَ فَلْيَتَزَوَّجْ؛ فَإِنَّهُ أَغَضُّ لِلْبَصَرِ ، وَأَحْصَنُ لِلْفَرْجِ ، وَمَنْ لَمْ يَسْتَطِعْ فَعَلَيْهِ بِالصَّوْمِ؛ فَإِنَّهُ لَهُ وِجَاءٌ» [رواه البخاري ومسلم واللفظ للبخاري] .
Dhalinyarooy qofkiina awoodo wuxuu ku guursado ha guursado waayo guurku wuxuu ilaaliyaa araga farjigana wuu xufdiyaa qofkaan awoodin ha soomo kaasaa u dhufaan ah.

7. CEDAW waxay xaq gaar ah siisay haweeneyda inay jirkeeda ka yeesho sidii ay doonto tusaale inay ilamo dhalin iyo inay ilmaha iska soo rido cudur daar la’aan.
Ilaahay ayaa wuxuu leeyahay :
((وَلاَ تَقْتُلُواْ أَوْلاَدَكُم مِّنْ إمْلاَقٍ نَّحْنُ نَرْزُقُكُمْ وَإِيَّاهُمْ ))

(Al-An’am – 151)
Ha laynina Caruurtiinna Saboolnimo (Baahi) daraadeed Anagaa idinka iyo Iyagaba idi Arzaaqi.

8. CEDAW ayaa wuxuu xeer ka dhigayaa carqalad isla dhaqanka nin iyo xaaskiisa
Waxay yiraahdeen haddii haweeneyda raali ka ahayn ninkeeda arrintaas kufsi tahay !
Ninkii xaaskiisa wax daya rabitaan la’aanna waa in la xiraa ama laga mag dhabo.

Alle swt wuxuu leeyahay

نِسَاؤُكُمْ حَرْثٌ لَّكُمْ فَأْتُوا حَرْثَكُمْ أَنَّىٰ شِئْتُمْ ۖ وَقَدِّمُوا لِأَنفُسِكُمْ ۚ وَاتَّقُوا اللَّهَ وَاعْلَمُوا أَنَّكُم مُّلَاقُوهُ ۗ وَبَشِّرِ الْمُؤْمِنِينَ.

(Al-Baqara – 223)
Ilaweenkiinnu beerbay iddinyihiin ee ugutaga beertiinna saad doontaan «oo bannaan» una hormarsada naftiinna «wanaag» Eebana ka dhawrsada ogaadana inaad la kulmaysaan Eebe una bishaaree Muminiinta.

Rasuulka scw wuxuu yiri:
وجاء في الصحيحين عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : (( إِذَا دَعَا الرَّجُلُ امْرَأَتَهُ إِلَى فِرَاشِهِ فَأَبَتْ فَبَاتَ غَضْبَانَ عَلَيْهَا لَعَنَتْهَا الْمَلَائِكَةُ حَتَّى تُصْبِحَ ))

Saxiixeenka waxaa ku sugan
Abii hureyra IHRN wuxuu yiri: Rasuulka scw wuxuu yiri: Haddii nin haweeneydiisa u yeerto firaashkiisa oo ay diido oo ninkeedu seexdo isagoo ka careysan maalikta ayaa lacnada illaa ay ka waaberiisato.

Ugu danbeen waxaan idin cadeynay qaar kamid ah xeerka CEDAW sida uu uga soo horjeedo DIINTA ISLAAMKA.

Alloow ma gaarsiiyay.
Mahadsanidiin saaxiibayaal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here